PesaCheck
Partly false

QEYB AHAAN BEEN AH: Muuqaalkan ma muujinayo dagaalkii 2011 ka dhacay Kalshaale

Sep 183 minPesaCheck
QEYB AHAAN BEEN AH: Muuqaalkan ma muujinayo dagaalkii 2011 ka dhacay Kalshaale

Muuqaalkan Facebook ee lagu sheegay inuu muujinayo dagaal 2011 Kalshaale ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo xooggaga SSC-Khaatumo ayaa QEYB AHAAN BEEN AH.

Muuqaalka ayaa sidoo kale lagu faafiyay halkan.

Qoraalka la socda muuqaalka ayaa loo dhigay, “Dagaalkii Kalshaale 2011 Ee Ciidanka Somaliland Lagu Jabiyey.”

Dagaalkii Kalshaale ka dhacay 2011 ayaa ahaa colaad u dhexaysay ciidanka Somaliland iyo xooggaga SSC-Khaatumo oo ku sugnaa meel u dhaw Buuhoodle. Colaadda ayaa salka ku haysay khilaaf deegaan iyo mid beelood oo xillugaa ka taagnaa gobolka Sool. Warbaahinta ayaa tebisay in dagaalkaas uu sababay dhimasho/dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.

Haddaba muuqaalku ma dhab baa?

PesaCheck ayaa screenshot ay ka qaaday muuqaalka ku eegtay Google reverse image. Natiijada ayaa muujisay in muuqaalka uusan wax xiriir ah la lahayn colaaddii 2011 ka dhacday Kalshaale.

Marka si dhaw loo eego, waxaa muuqaalka laga arki karaa astaamo muujinayo in lagu sameeyay garaadka macmalka ah. Qaar kamid ah askarta ayaa u muuqda in qoryaha ay jirkood ku beegayaan halkii ay ku aadin lahaayeen dhinaca ka soo horjeeda. Sidoo kale, dhaq-dhaqaaqa lugahooda iyo gacmahooda ayaa aad isugu eg.

Goobta kama muuqdaan astaamaha lagu yaqaano dagaallada ee burburka iyo boorka leh, balse muuqaalka ayaa ku salaysan meel deggan. Guud ahaan, iftiinka iyo qaabka goobta uma eka meel uu si dhab ah uga dhacay dagaal la duubay.

Si ay u hubiso arrimahaas, PesaCheck ayaa muuqaalka ku eegtay DeepFake-O-Meter. Natiijada ayaa noqotay in 100% ay u badan tahay in muuqaalka lagu sameeyay garaadka macmalka ah.

PesaCheck ayaa samaysay baaritaan ay ku eegtay kelmadaha muhiimka ah si ay u hubiso in muuqaalka laga duubay dagaalkii Kalshaale, balse ma aysan helin wax muuqaalkan la xiriirinayo dhacdadaas.

PesaCheck ayaa u kuurgashay muuqaal Facebook ah oo lagu sheegay inuu muujinayo dagaal 2011 Kalshaale ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo xooggaga SSC-Khaatumo, waxaana ay ogaatay in uu QEYB AHAAN BEEN YAHAY.

Qoraalkan ayaa qeyb ka ah taxane ay PesaCheck ku hubinayso macluumaadka loo arko in ay marin-habaabinayaan dadka ee lagu faafiyo Facebook iyo qeybaha kale ee baraha bulshadu ku wada xiriirto.

Iyaga oo wada shaqeyn la leh Facebook iyo qeybaha kale ee baraha bulshadu ku wada xiriirto, ayaa hay’adaha sida PesaCheck waxa ay gacan ka geystaan in la kala saaro xaqiiqda iyo been abuurka. Waxaan sidaa u samaynaa si aan dadweynaha u siino fahan guud iyo xog qoto dheer oo ku aaddan qoraallada ay ku arkaana barahooda bulshada.

Ma ku aragtay Facebook macluumaad aad ka shakisay dhab ahaantiisa ama in uu been yahay? Qaabkan ayaad ula wadaagi kartaa Facebook. Halkan ka daalaco faahfaahin dheeraad oo ku saabsan habka ay PesaCheck u hubiso macluumaadka shakiga la geliyay.

Yussufmahat Abdi oo ka tirsan PesaCheck ayaa qoray warbixintan fact-check-ga ah, waxaana tifaftiray Paul Tajuba oo ah tifafire sare oo ka tirsan PesaCheck.

Warbixintan waxaa in la daabaco ansixiyay Stephen Ndegwa oo ah madaxa tifaftirayaasha ee PesaCheck.

PesaCheck ayaa ah hay’addii ugu horreysay ee laga hirgeliyo Bariga Afrika ee ka shaqeysa hubinta wararka la xiriira maaliyadda dowladda. Waxaa asaasay Catherine Gicheru iyo Justin Arenstein waxaana ay hoos tagtaa xarunta Code for Africa oo ah tan ugu weyn Afrika ee qaabilsan tiknoolajiyadda dadweynaha iyo warbaahinta ku salaysan macluumaadka. Ujeedka PesaCheck ayaa ah in la kala sooco xaqiiqda iyo beenta ku aaddan wararka ay dadku helaan, gaar ahaan kuwa khuseeya dhaqaalaha dowladda ee fulinta Yoolasha Horumarinta La Joogteyn Karo (SDG), fulinta adeegyada dadweynaha sida caafimaadka, horumarinta miyiga iyo helitaanka biyaha/fayo dhowrka. PesaCheck waxa ay sidoo kale hubisaa sax ahaanshaha wararka warbaahinta. Si aad faahfaahin dheeraad ah uga hesho mashruucan, fadlan eeg pesacheck.org.

PesaCheck waa qeyb kamid ah xarunta Code for Africa, gaar ahaan mashruuceeda innovateAFRICA fund, oo taakulo ka hela Deutsche Welle Akademie, waxaana ay wada shaqeyn la leedahay dallad ay leeyihiin warbaahinta Afrika iyo ururada u dhaq-dhaqaaqa arrimaha rayidka.

QEYB AHAAN BEEN AH: Muuqaalkan ma muujinayo dagaalkii 2011 ka dhacay Kalshaale — PesaCheck