PesaCheck
Hoax

BEEN ABUUR: Muuqaalkan ma aha mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqayo in la damiyo internet-ka

Oct 14 minPesaCheck
BEEN ABUUR: Muuqaalkan ma aha mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqayo in la damiyo internet-ka

Muuqaalkan Facebook ee lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu amray in la damiyo internet-ka kadib markii ay faafeen muuqaallo lagu caayayo ayaa ah BEEN ABUUR.

Muuqaalka oo la baahiyay 18-kii September 2025 ayaa waxaa la socda qoraal loo dhigay, “ Soomaalida wax lakam cilin karo.”

Muuqaalka ayaa loo ekaysiiyay in Madaxweynaha uu leeyahay, “Markii aad ciyaalkii jareerta xirteen, heestii waa ay ka sii dartay. Boqol kun oo qof ayaa iska soo duubtay. Internet-ka damiya.” Waxaa meesha ka muuqda askar u jawaabaysa Madaxweynaha oo leh, “Hoostaada ma waardiyeyn karno. Umaddii way ku nacday.”

Muuqaalka ayaa soo baxay kadib markii ay booliska Soomaaliya xireen dhowr TikToker oo lagu eedeeyay in ay aflagaadeeyeen Madaxweynaha. Xarigooda ayaa dhaliyay dood internet-ka ah.

PesaCheck ayaa samaysay baaritaan ay u adeegsatay erayada muhiimka ah si ay u hubiso in dowladda Soomaaliya ay xayiraad saartay internet-ka, balse ma aysan helin natiijo lagu kalsoonaan karo oo ay tebiyeen warbaahinta maxalliga ah iyo tan caalamiga ah.

Haddaba ma dhab baa muuqaalka?

PesaCheck ayaa samaysay baaritaan ay u adeegsatay reverse image oo ay ku eegtay qeybo kamid ah muuqaalka, balse ma aysan helin natiijo macquul ah.

Muuqaalka ayaa leh arrimo shaki abuuraya. Ragga loo ekaysiiyay “ilaalada” Madaxweynaha ayaa ku lebisan darees buluug ah iyo koofiyado aad isugu eg, halka indhahooda iyo muuqooda guud ay yihiin kuwo taagan oo aan nuux nuuxsaneyn. Tani ayaa muujinaysa in muuqaalka lagu sameeyay isbedal dhijitaal ah.

Madaxweynaha ayaa ku lebisan suut iyo garabaati buluug ah, halka wejigiisa uu u muuqdo mid kakan, nuux nuuxsiga afkiisa na uusan caadi ahayn.

Dhowr goor ayay “ilaalada” u muuqdaa in ay soo dul istaagayaan Madaxweynaha, hayeeshee muuqooda uma eka mid toosan, taasoo sidoo kale muujinaysa in muuqaalka la farsameeyay. Waa muuqaal u eg mid si aan ka fiirsasho lahayn la isugu geeyay.

Arrimahaas waxaa soo saaray DeepFake-O-Meter iyadoo tilmaanta AVSRDD (2025) ay muujisay in muuqaalka ay 100% u badan tahay in lagu sameeyay garaadka macmalka ah.

Si shaac baxsan looma yaqaano darees u gaar ah ilaalada madaxtooyada Soomaalida. Inta badan sawirrada waxa ay muujiyaan ilaalo ku lebisan dareenka milateriga ama booliska, mana jiro wax caddeyna in lebiska askarta ku jirta muuqaalka been abuurka uu yahay kan rasmiga ah ee askarta madaxtooyada.

Baaritaan loo isticmaalay ereyada muhiimka ah ayaa soo saari waayay warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in Madaxweyne Xasan uu weligii amray daminta internet-ka isaga oo ka jawaabaya xog faaftay, ama in dowladda ay si rasmi ah u xaqiijisay warkaas.

PesaCheck ayaa u kuurgashay muuqaal Facebook ah oo lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu amray in la damiyo internet-ka kadib markii ay faafeen muuqaallo lagu caayayo, waxaana u soo baxday inuu yahay BEEN ABUUR.

Qoraalkan ayaa qeyb ka ah taxane ay PesaCheck ku hubinayso macluumaadka loo arko in ay marin-habaabinayaan dadka ee lagu faafiyo Facebook iyo qeybaha kale ee baraha bulshadu ku wada xiriirto.

Iyaga oo wada shaqeyn la leh Facebook iyo qeybaha kale ee baraha bulshadu ku wada xiriirto, ayaa hay’adaha sida PesaCheck waxa ay gacan ka geystaan in la kala saaro xaqiiqda iyo been abuurka. Waxaan sidaa u samaynaa si aan dadweynaha u siino fahan guud iyo xog qoto dheer oo ku aaddan qoraallada ay ku arkaana barahooda bulshada.

Ma ku aragtay Facebook macluumaad aad ka shakisay dhab ahaantiisa ama in uu been yahay? Qaabkan ayaad ula wadaagi kartaa Facebook. Halkan ka daalaco faahfaahin dheeraad oo ku saabsan habka ay PesaCheck u hubiso macluumaadka shakiga la geliyay.

Yussufmahat Abdi oo ka tirsan PesaCheck ayaa qoray warbixintan fact-check-ga ah, waxaana tifaftirtay Mary Mutisya oo ah tifafire sare oo ka tirsan PesaCheck.

Warbixintan waxaa in la daabaco ansixiyay Stephen Ndegwa oo ah madaxa tifaftireyaasha ee PesaCheck.

PesaCheck ayaa ah hay’addii ugu horreysay ee laga hirgeliyo Bariga Afrika ee ka shaqeysa hubinta wararka la xiriira maaliyadda dowladda. Waxaa asaasay Catherine Gicheru iyo Justin Arenstein waxaana ay hoos tagtaa xarunta Code for Africa oo ah tan ugu weyn Afrika ee qaabilsan tiknoolajiyadda dadweynaha iyo warbaahinta ku salaysan macluumaadka. Ujeedka PesaCheck ayaa ah in la kala sooco xaqiiqda iyo beenta ku aaddan wararka ay dadku helaan, gaar ahaan kuwa khuseeya dhaqaalaha dowladda ee fulinta Yoolasha Horumarinta La Joogteyn Karo (SDG), fulinta adeegyada dadweynaha sida caafimaadka, horumarinta miyiga iyo helitaanka biyaha/fayo dhowrka. PesaCheck waxa ay sidoo kale hubisaa sax ahaanshaha wararka warbaahinta. Si aad faahfaahin dheeraad ah uga hesho mashruucan, fadlan eeg pesacheck.org.

PesaCheck waa qeyb kamid ah xarunta Code for Africa, gaar ahaan mashruuceeda innovateAFRICA fund, oo taakulo ka hela Deutsche Welle Akademie, waxaana ay wada shaqeyn la leedahay dallad ay leeyihiin warbaahinta Afrika iyo ururada u dhaq-dhaqaaqa arrimaha rayidka.

BEEN ABUUR: Muuqaalkan ma aha mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqayo in la damiyo internet-ka — PesaCheck